Madaxweynaha dalka Liibiya oo mar kale difaacay burcad badeeda Somalida kuna timaamay wadaniyiin difaacanaya kheyraadka badooda

 

Hoggaamiyaha dalka Liibiya Mucamar Al-qadaafi oo hadal ka jeediyay kulan labo maalmood uga soconaya magaalada Sabrata ee dalka Liibiya madaxda dalalka ku bahoobay Saaxil iyo Saxaraha ayaa waxa uu difaacay falalka ay afduubayaasha maraakiibta Soomaaliya ay ka wadaan xeebaha dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo sharci ah oo lagu difaacayo khayraadka biyaha Soomaaliya.

Al-qaa’id Mucamar Al-qadaafi waxa uu sheegay in kooxaha Soomaalida ee afduubka ka gaysanaya xeebaha Soomaaliya ay yihiin dad baahan oo difaacanaya xuquuqdooda dhinaca khayradka badda oo ay ku soo xadgudbeen isla markaana ay boob ku hayaan maraakiibta dalala reer galbeedka inkastoo uusan si shaaca ka qaadin magacyada dalalkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in dawladdiisu ay taageersan tahay hawlaha ay kooxahaasi ka wadaan biyaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Liibiya Mucamar Al-qadaafi wuxuu sheegay inuu dhowaan caalamka u gudbin doono qoshe ku saabsan in la ixtiraamo oo aan lagu soo xadgudbin biyo goboleedka dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inuu qorshaynayo in la dhiso urur ay ku mideysan yihiin dalalka Afrika oo u istaaga difaacidda badaha qaaradda Afrika.

Waxay noqoneysaa markii labaad oo uu hoggaamiyaha dalka Liibiya Mucamar Al-qadaafi uu difaaco falalka ay afduubayaasha maraakiibta xeebaha Soomaaliya ka wadaan biyaha Soomaaliya, waxayna ahayd horaantii sanadkan markii kulan madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis-Ababa uu ka sheegay Qadaafi inuu taageersan yahay isla markaana ay xaq u leeyihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed inay difaacaan khayraadka baddooda.

 

Ku noqo bogga hore