Maxkamadaha Islaamiga ah oo cambaareeyay dil xalay Muqdisho loogu gaystay sarkaal iyaga ka goostay oo ku biiray ururka Xisbul Islaam

 

Afhayeen u hadlay Midowga Maxkamadaha Islaamka ee taabacsan dawladda federalka Soomaaliya Sheekh C/risaaq Axmed Qaylow oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu cambaareeyay isla markaana wax laga xumaado dilkii xalay xaafadda Blacksea ee degmada Hodan loogu gaystay C/qaadir Zamza (Qataatow) oo horay uga tirsanaa Maxkamadaha Islaamiga balse ku biiray ururka Xisbul Islaam.

“Alle ha u naxariistee C/qaadir Xamza (Qataatow) wuxuu ahaa mujaahid weyn oo door firfircoon ku lahaa halgankii labada socday ee lala galay ciidamada xabashida ee dalka ku soo duulay, Ilaahay jannada Fardowso ha ka waraabiyo, annagana waxaan u aragnaa dilkaasi inuu yahay fal waxashnimo oo lagu dhibaataynayo dadka halganka u soo galay dinta iyo dalka” ayuu yiri C/risaaq Axmed Qaylow oo intaasi ku daray in mujaahidkaasi uu si iskiis ah uga baxay maxkamadaha Islaamiga kuna biiray ururka Xisbul Islaam.

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ee taabacsan dawladda federalka C/risaaq Axmed Qaylow oo la waydiiyay kooxda uu tuhmayo inay ka dambeeyaan dilka sarkaalkaasi ayaa waxa uu sheegay inuusan jirin koox gaar ah oo uu farta ku fiiqayo balse uu aaminsan yahay inay dileen kooxaha caado ka dhigtay shirqoolidda iyo dilka dadka indhaha u ah bulshada oo horay Muqdisho uga fuliyay dilalka kala duwan.

 

Ku noqo bogga hore