Dad rayid ah oo saacadihii ugu dambeeyey siyaabo kala duwan loogu dilay deegaano hoos yimaada gobolka Sh/dhexe

 

Deegaano ka tirsan kuwa hoos yimaaada gobolka Sh/dhexe ayaa lagu soo waramayaa in saaacadihii ugu dambeeyey ay ka dhaceen dilal kala duwan oo qaarkood ay ku saleysan yihin aanooyin qabiil iyo aargoosi iyo kuwa kale oo aan la garan illaa hadda ujeedada ka dambeysa, kuwaasoo ay geysteen kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan iyo maleeshiyo beeleedyo.

Nin rayid ah oo watay gaari Roonet ah ayaa Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe lagu rasaaseeyey kaasoo u geeriyooday markii ay rasaastaasi  haleeshay, waxaana meydkiisa iyo gaariga uu watay oo oo is ag yaala laga helay duleedka degmada Balcad lamana oga illaa hadda cida dilka ninkaasi ka dambeysay iyo sababta loo  intaba.

Dhinaca, kale, tuulada loo yaqaano Garabcad oo ku taala deegaanka biyo cade ee gobolka Sh/dhexe aya xalay waxaa kooxo hubeysan ay ku dileen labo ruux oo ka mid aha dadka xoola dhaqatada ahaa ee ku sugan halkaasii, iyadoo labo kalena ay halkaasi ku dhaawacmeen, mana cadda illaa ujeedada ka dambeysa dilkaasi hase ahaatee waxaa loo maleynayaa inuu salka kau hayo fala aano qabiil ah oo mudooyinkanba u dhexeeyey beelo halkaasi wada dega.

 

 

Xafiiska xog-waran.Muqdisho