Qaramada Midoobay oo rajo ka muujisay wada hadallada la filayo inay Jabuuti ku yeesheen Isbahaysiga dib u Xureynta iyo dawladda federalka Soomaaliya
Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku dhiira geliyay dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya ee dawladda federalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Dib u Xureynta Soomaaliya inay bilaan wada hadallo fool-ka-fool ah oo ay ku yeesheen gudaha magaalada Jabuuti.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmed Oud Abdalla ayaa u sheegay warfidiyeenada isagoo ku sugan magaalada Jabuuti inuu aad ugu rajo wayn yahay in kooxaha Soomaalidu ay kulmaan isagoo sheegay in mar uu la kulmay labada dhinacba inay u muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin ayna uga go’an tahay in xal laga gaaro khilaafaadyada siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya.
Wafdiga ka socda dawladda federalka iyo Isbahaysiga dib-u-xoreynta dalka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada jabuuti iyagoo ilaa iyo iminkana aysan si fool-ka-fool ah wada hadal u yeelanin, laakiin Qaramada Midoobay iyo ururka Jaamacadda Carabta ayaa labadaasi dhinac u kala dab qaadayay.
‘Waxaan rajaynayaa in kooxahani ay ka dhabeeyaan ballan qaadyadoodii hore ee ahaa inay oggol yihiin in dhibaatada dalka Soomaaliya lagu xalliyo wada hadal, miiska wada hadalkana lagu dhameeyo wax kasta” ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Madaxda sar-sare ee dawladda federalka Soomaaliya iyo isbahaysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay diyaar u yihiin in khilaafaadyada siyaasadeed ee jira lagu dhameeyo wada hadal, laakiin masuuliyiinta isbahaysiga Asmara ayaa ku celceliyay inaysan wax wada hadal ah oo toos ah aysan la yeelan doonin dawladda federalka ilaa iyo inta ay ciidamada Itoobiya dalka Soomaaliya ka baxayaan.