Hawlaha dekedda Kismaayo ayaa hakad ku yimid kaddib markii jidgooyooyin la soo dhigay afaafka hore ee dekeddaasi
Waxaa saakay hakad galay gebi ahaanba dhaq-dhaqaaqii Marsada magaalada Kismaayo taasoo lala xiriiriyay isbaarooyin badan oo ay maleeshiyo hubeysan soo dhigteen afaafka hore ee dekeddaasi kuwaasoo lacago xad dhaaf ah ka qaadanaya gawaarida xamuulka ah ee alaabaha ganacsi ka soo daabulaya marsada Magaalada Kismaayo.
Goobaha ay maleeshiyadan isbaarada dhigteen ayaa waxaa ka mid ah waddada dheer ee dhex marta Xaafadda Calanley ee isku xirta marsada magaalada Kismaayo iyo suuqyada magaalada, iyadoo ay halkaasi isticmaalayn wax gaadiid xamuul ah, marka laga reebo gawaarida yar-yar oo ay wataan masuuliyiinta Marsada Magaalada Kismaayo iyo shaqsiyaad gaar ah, waxaana magaalada Kismaayo bannaankeeda taagan boqollaal gawaarida xamuulka ah oo dhuxul sida kuwaasoo ku dhiiran waayay inay dekedda geeyaan xamuulka ay sidaan.
Sidoo kale gudaha marsada magaalada kismaayo ayaa waxaa iyana ku xayiran gawaari fara badan oo xamuul ah oo alaabo kala duwan ka soo qaaday kuwaasoo ay ku adkaatay inay alaabaha ay wadaan geeyaan suuqyada magaalada Kismaayo cabsi ay ka qabaan waxyeello ka soo gaarta kooxaha hubeysan oo isbaarooyinka ay u yaallaan gudaha magaalada.
Marsada Magaalada Kismaayo ayaa waxaa iminka ku xiran doomankii ugu tirada badnaa oo sida badeecado kala duwan, waxayna isbaarooyinkan la soo dhigay afaafka hore ee dekedaasi hakad geliyeen hawlihii alaabaha looga geddinayay doomahaasi, waxaana socda dadaallo ay wadaan waxgaradka magaalada Kismaayo iyo masuuliyiinta marsada Kismaayo kuwaasoo lagu doonayo in lagu qaado isbaarooyinkaasi.