B/weyne oo saaka ku waabariisatay iyadoo marti gelineysa ciidamadii ugu faraha baadna ee Itoobiyaan ah
Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay ku waabariisteen gudaha iyo daafaha magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, ka dib markii gelinkii dambe ee shalay ay ciidamadaasi ka soo dhaqaaqeen halka loo yaqaano Gante kun dhishe oo ku taala dhinaca bari ee magaaladaasi oo mudooyinkanba ay ku sugnaayeen fariisimana ka sameysteen ciidamada Itoobiya.
Sida warku sheegayo ciidamadan Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa iney wataan gaadiid badan oo nooca dagaalka ah, iyagoo ku sugan xarumaha dowladda ee magaaladaasi, waxayna gaaf wareegayaan wadooyinka dhexmara B/weyne, iyagoo si aad ahna u feegin, isla markaana diyaar u ah iney jawaab culus ka bixiyaan haddiiba weerar lagu soo qado ama qaraxyo loo geysto.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada B/weyne ayaa si aad ah uga walaacsan ciidamadan Itoobiyaan ah oo si aad ah uga fara badan kuwii horey loogu arki jiray magaalada bartamaheeda ayaa si aad ah uga baqaya ciidamadan, waxayna dadweynaha intooda badan ku jiraan oo aysan ka soo bixi karin guryahooda, waxaana walaac aad u weyn ay ka qabaan dhinaca amaankoda iyo dagaalo ka dhaca magaaladaasi.
Ciidamadan faraha badan ee la soo dhoobay bartamaha magaalada B/weyne ayaa ku soo beegmaya xili la hadal hayo in maanta uu magaaladaasi gaari doono guddoomiyaha cusub gobolka Hiiraan uu dhowaan u magacaabay ra’isul wasaare Nuur cadde oo haatan ku sugan magaalada baydhabo ee gobolka Bay xili guddoomiyihii gobolkaasi uu ku adkeysnayo inuu weli yahy gudoomiyaha rasmiga ah ee goboka Hiiraan.