Yuusuf Dabageed “Waa war xumo tashiil aan jirin wararka sheegaya in ciidamada Itoobiya ay aniga hub ka dhigis igu sameeyeen”
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo weli ku adkeysanaya inuu weli yahay guddoomiyaha gobolkaasi ayaa sheegay ineysan waxba ka jirin wararka sheegaya in hubkiisii ay kala wareegeen ciidamada Itoobiya ee isaga iyo xubno kale oo maamulkiisii hore u soo gelbiyey dhinaca magaalada B/weyne oo ay haatan ku sugan yihiin, wuxuuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.
“Ma jiro hub ii gaar ah oo aan leeyahay, hubka aan hayana waxaa iska leh maamulka gobolka Hiiraan, maamulka gobolka Hiiraana aniga hadda gudoomiye ka ah oo ugu sareeya sida awgeed hubkaasi weli gacanteyda ayuu ku jiraa la igama qaadin, waxanaa wareejinaya marka la soo magacaabo maamul sharci ah oo meesha ku yimid sida aan anigu ku soo galay oo kale, waxaana wararkaas faafinaya kuwo warxumo tashiil uga dan leh oo ka soo horjeeda maamul gobolka” ayuu yiri dabageed oo sheegay inuu magaalada B/weyne u joogo sidii uu maamulka dib ula wareegi lahaa.
Aniga waxaa i soo magacaabay madaxweynaha, haddana waxaan meeshaa uga tagayaa in madaxweynuhu uu wareegto kale soo saaro, sidaas ayaana ku wareejinaya, xilka Nuur cadde waa ra’isul wasaare Soomaaliyeed, hase ahaate xil igama qaadi karo waayo aniga iyo idaga waxaa na soo wada magacabaay madaxwaynaha, dowladnimada waa in sharci lagu saleeyaa ee iska orod ah maaha” ayuu yiri Dabageed oo RW Nuur cadde ku eedeeyey in xukuumadiisa ay u soo gurman weysay markii uu dagaalka kula jiray kooxaha ka soo horjeeda.