Ciidamada Itoobiya oo sadex gaari looga gubay weerar ka dhacay agagaarka degmada Buur hakaba
Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa duhurnimadii maanta saddex gaari oo URAL ah looga gubay weerar ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Leego iyo Buur hakaba oo ka tirsan gobolka Bay, waxaana Saddexdaasi gaari ay gubteen ka dib markii baasuukeyaal iyo tacshiirado xooggan ay ku weerareen kooxaha ka soo horjeeda joogitaanta ciidamada Itoobiya kuwasoo wadada hareeraheeda u galay xili ay halkaasi marayeen.
Xaalada ayaa kacsan, iyadoo goobta ay wax ka dhaceen ay isku gedaameen ciidamada Itoobiya oo ku faafay tuulooyin ku dhow dhow goobtaasi oo ay ka soo qabqabteen dad isugu jira haween, dhalinayaro iyo waayeel aan wax lug ah ku laheyn weerarka lagu qaaday, kuwaasoo la sheegay in ciidamada Itoobiya ay qaarkood dileen halka kuwo kalena ay weli nolol ku hayaan lagana cabsi qabo iney si aargoosi ah u dilaan.
Gawaarida ay wateen ciidamada Itoobiya ee wadada loo galay tiradoodu ay gaareysay illaa 8 gaari oo saaka kasoo baxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday dhinaca magaalada Baydhabo, lamana oga illaa hadda qasaaraha soo gaaray ciidamada Itoobiyaanka ahaa ee saarnaa gawaarida la gubay, waxaaan halkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada Itoobiya iyo kooxihii wadada u galay.
Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaara weerarkan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka weerarkan ka soo gaarey qasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, weerarkan ayaa ciidamada Itoobiyaanka ku qasbey in ay hakiyaan safarkooda si ay u qaataan dhaawaca iyo askarta halkaa kaga geeriyootey oo tira ahaan dhab loo ogeyn.
Xafiiska xog-waran. Muqdisho