Guriga Xildhibaan Qanyare ee magaalada Baydhabo oo weerar dhimasho iyo dhaawac keenay uu ka dhacay

 

Baydhabo, Kooxo aan haybtooda la'aqoon ayaa weerar gaadmo ah maanta ku qaaday hoyga uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax  oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamanka dowladda KMG Soomaaliya.

Guriga xildhibaanka oo ku yaala xaafadda Cadaad oo ka tirsan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa la sheegay in weerarka lagu qaaday ay ku dhaawacmeen Labo ka mid ah ilaalada xildhibaanka oo guriga ku sugnaa xilligii weerarku dhacayay.

Dhaawaca labada askari ee ka tirsan ilaalada xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa yimid kagadaal markii ay tacshiirad kooban dhex martay ilaalada guriga xildhibaanka iyo kooxihii soo weeraray hoyga xildhibaanka.

Warku wuxuu sheegayaa in kooxda weerarka ku qaadday guriga xildhibaan Qanyare ay hub ka dhigis ku sameeyeen ilaaladii xildhibaanka, oo sida la sheegay hubkii ka qaatay ilaaladaas,  kuwaasoo la sheegay in ay baxsadeen.

Weerarka kadib ayaa ciidamo ka tirsan Booliska magaalada Baydhabo gaareen guriga xildhibaanka  waxayna Cusbitaalka u qaadeen labadii askari ee ku dhaawacmay weerarkaasi, mana la sheegin cid ay falkaasi u qabqabteen.

Warar danbe ayaa waxaa ay shegayaan in mid ka mida labadii dhaawaca aheyd uu geeriyoodey xili danbe isla markaasna lagu aasayo magaalada Baydhabo.

Lama oga illaa hadda waxa ay ahaayeen kooxaha soo weeraray hoyga xildhibaan Qanyare uu ka degan yahay magaalada Baydhabo iyo ujeeddada ka dambeysa weerarkaasi, hase ahaate waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in kooxaha weerarka soo qaaday ay ka tirsanaan jireen isla ilaalada xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, mana jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaasi oo ka soo baxay xildhibaan Qanyare oo imminka ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya oo in muddo ah uu ku maqan yahay.

 

.

 

Xafiiska Wararka Xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com