Ciidamada fara oo Itoobiyaan oo ay weheliyaan kuwa maamulka gobolka Hiiraan oo isku faafiyay gudaha magaalada Beledweyne
Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan oo ku hubeysan qoryaha loo yaqaano boobayaasha iyo dhashiikaha garbaha lagu qaato ayaa saakay isku fidiyay gudaha magaalada Beledweyne kuwaasoo xarumo ka samaystay qaybo ka mid ah magaalada sida xaafada Labada buundo, Xarunta maamulka gobolka, Saldhigga booliska iyo qeybo kale oo ka tirsan magaalada.
Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa waxaa barbar socda oo weheliya kuwa maamulka gobolka Hiiran oo iyagana ku hubeysan gawaarida dagaalka ee tiknikada loo yaqaan, kuwaasoo si aad ah u buux dhaafiyay gudaha magaalada Beledweyne, waxayna taagan yihiin jid cadde kasta oo xaafadaha gala inkastoo xaaladda guud ee magaalada ay tahay mid aad u deggan.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah iyo kuwa Soomaalida ah ee isku fidiyay magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay hordhac u yihiin oo ay halkaasi ku soo dhoweynayaan guddoomiyihii maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo isaga iyo ciidamada kal hore xoog looga saaray magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha oo lagu wado in maanta soo gaaro magaalada Beledweyne ayaa lagu wadaa inuu xarunta maamulka gobolka kala hadlo dadwaynaha magaalada Beledweyne, taasoo saakayba qaban-qaabadeeda ay wadaan xubno ka tirsan maamulkii hore ee gobolka, inkastoo Yuusuf Dabageed horay uu wareegto xilka guddoomiyanimo uga qaaday Ra’iisul wasaare Nuur Cadde haddana wuxuu weli ku adkaysanayaa inuu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee gobolka Hiiraan.
Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Beledweyne oo maalmihii ugu dambeeyay haystay nabad gelyo iyo xasiloonaan intii ay halkaasi gacanta ku hayeen xoogagga maxkamadaha islaamkga ayaa haatan waxay muujinayaan baqdin ay ka qabeen inay waxyeello kaga timaaddo ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka gobolka Hiiraan.