Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye oo sheegay in xubin ka tirsan Golahooda afduub lagu heysto
Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday in xubin ka tirsan Golahooda muddo ka badan 2-bilood afduub lagu heysto, iyagoo sheegay inaan la garanaynin cidda heysata iyo goobta lagu heysto.
Xubinta ka maqan Golaha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye oo lagu magacaabo Axmed Cabdulle Soomane ayaa la sheegay in laga qabsaday gudaha suuqa Bakaaraha gaar ahaan waddada 2-aad ee Suuqaas xilli u ka soo baxay mid ka mid ah shirkadaha xawaaladaha magaalada Muqdisho.
Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa ka codsaday cidda haysata xubintaas ka mid ah Golahooda inay shuruud la’aan sii daayaan xoriyaddiisana ay dib ugu soo cveliyaan.