Gobolka Gado oo ciidamo maxaakimta ah ay dhoola tus ka wadaan meelo fagaare ahna kala Hadley dadka reer Gado
Wararka laga helayo magaalada Baardheere iyo Buurdhuubo ayaa waxaa ay shegayaan in halkaasi ay socdaalo ku kala bixiyeen maalmihii la soo dhaafey Ciidamo ay leeyihiin Maxaakimta Islaamigaa isla markaasna ay kula hadalayeen Dadka deegaanka.
Maanta ayaa waxaa masuul ka tirsan maxaakimta oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Jibriil Xasan waxaa uu ka sheegay Degmada Baardheere in ay la dagaalayaa Cadowga Soomaaliyeed ee xabashida Gobolka Gado isla markaasna aysan ka hor imaaneyn wixii dadka deegaanka ay sameysataan ee maamula iskuna waafaqsanyihiin.
Ciidamada Maxaakimta Islaamigaa soo galidooda Gobolka Gado ayaa markii ugu horeysey waxaa lagu arkey duleedka Degmada Baardheere waxana ay ku sugnaayeen mudo labo maalmood ah , iyagoo markii danbe uga sii gudbey isla Degmada Buur Dhuubo oo ay kula soo hadaleen Dadka deegaanka oo ay ugu horeeyaan wax garadka Culumada iyo waliba dhalinyarada oo ay ka codsadeen in ay ka qeyb qataan xoreynta Dalka Soomaliya ee Cadowga Xabashida.
Amuurtaan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili aan horey looga Baran Reer Gado in ay arkaan Maxaakimta islaamigaa oo Dhex mushaaxeysa Gobolka Gado,ilaa intii dagaalku dhexmarey Maxaakimta islaamigaa iyo waliba Isbaheysigii Dooxada Jubba ee horkici jirey Barre Hiiraale Madaxda ka ahaa oo markii danbe ku biirey qolooyinkii la dagaamayey Maxaakimta islaamigaa balse hada ay ka soo jeesteen dhina kale ee taageerida Madaakimta xiligan taagan isla markaasna ay wax weyn ku soo kordhin karaan maadaama Gobolku tahey mid istiraatiijiya dhinaca Dagaalka lagula jiro Ciidamada Ethiopia.