Ciidamo Itoobiyaan ah oo labo ruux si bareera ugu toogtey bartamaha magaalada Baydhabo

 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo saakay gudaha u galay magaalada Baydhabo xilli ay biyo  doon ahaayeen ayaa waxa ay toogasho ku dileen 2 ruux oo rayid ah.

Labada ruux ee ciidamada Itoobiyaanku ay ku dileen magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen goob si aad ah ugu dhaweyd halka ay biyaha ka dhaansanayeen, iyadoo la sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka shakiyeen labadaasi ruux.

Dadka ku ganacsada waddooyinka halbowlaha ee magaalada Baydhabo ayaa xirey goobahooda Ganacsi marka ay ciidamada Itoobiya biyo dhaansi u imaanayaan gudaha magaalada Baydhabo, iyagoo ka baqaya in ciidamada Itoobiyaanku rasaas ku furaan dadka rayidka sida maantaba dhacday, ma aha markii ugu horeysey oo ay ciidamada Itoobiyaanku dad raiyd ah ku dilaan magaalada Baydhabo.

 

Xafiiska Wararka Xog-waran.Muqdisho

xog-waran@hotmail.com