RW Somalia oo sheegay in dawladda Talyaaniga ka aqbashay tababarka iyo qalabeynta ciidamadii badda Somalia


Ra段isul wasaaraha Xukuumadda federalka Soomaaliya Cumar C/rashid Cali Sharmaarke oo ka hadlayay kulan gaar ah oo uu magaalada Roma ee caasimadda Talyaaniga kula qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga Selvio Barlusconi ayaa waxa uu sheegay in dawladda Talyaaniga ay aqbashay tababaridda ciidamadii badda Soomaaliya iyo qalabayntooda iyo sidoo kale in ay aqoonsatay safiirnimada ra段isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) inuu wato hawlihii diblomaasiyadeed ee caasimadda Roma iyo Talyaaniga guud ahaanba.

Ra段isul wasaare Cumar C/rashiid waxa uu sheegay in wada hadalladii uu la qaatay madaxda dawladda Talyaaniga ee dhinacyada siyaasadda iyo waxqabadka labada dhinac ay isku af garteen ugu horreyntiina dhinaca ciidamada oo ay wax wayn ka qaban doonto dawladda Talyaaniga siiba ciidamada badda si ay uga hor tagaan burcad badeedda una ilaaliyaan xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ra段isul wasaare Sharmarke in dawladda Talyaaniga ballan qaadday in safaaradeedii magaalada Muqdisho ay dib u hawl geliso ayna aqoonsatay magacaabista safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra段isul wasaarihii ka horreeyay isaga oo hawshiisa si rasmi ah uu uga bilaabi doono caasimadda dalka Talyaaniga, isla markaana lagala soo xiriiri doono wixii arrimaha Soomaaliya iyo Talyaaniga quseeya.

Ra段isul wasaaraha waxa uu sheegay inay tahay horumar weyn oo ay xukuumaddiisa gaartay maadaama ay dalalka Yurub qaarkood oo ay ugu horreyso dawladda Talyaaniga ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, fiisana lagu dalban karo, wuxuuna intaasi ku daray inuu ka rajaynayo dalalka kale ee caalamka inay qaadaan talaabi taasi la mid ah.

Dhanka kale dawlada Talyaaniga waxa ay ku dadaalaysaa in laga saamaxo Soomaaliya daymihii lagu lahaa dawladihii hore muddadii dheereyd taasoo ay soo hor dhigi doonto shirka soo socda ee G8 ee lagu qabanayo dalka Talyaaniga, taasoo wax wayn ka taraysa cafinta daymaha fara badan ee lagu leeyahay Soomaaliya.
 

 


Xafiiska wararka xog-waran ee Muqdisho

xog-waran@hotmail.com