|
Feysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah UCID oo sheegay in dawladda Shariif ay uga dartay xaalada awalba cakirneyd ee SomaliaGuddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee ka jira Maamulka gooni isu taagay ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo la hadlayay warbaainta ayaa waxa uu sheegay in dawladda uu hoggaaminayo Sheekh Sheekh shariif ay uga dartay xaaladaha deggenaan iyo nabad gelyo ee koonfurta Soomaaliya oo horay ay u daashadeen dagaallo sokeeye ay oggaamiye kooxeedyo dhiigyo cab ah iyo abaaro daba dheeraaday. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in ragga hor boodaya dawladda federalka ay yihiin kuwo siyaasiyan aan wax horumar keeni karin maadaama aysan u dhalan gobollada ay degto beesha Hawiye isagoo tusaale u soo qaatay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu u dhashay Boosaaso oo nabad ah, wasiiru khaarijga Maxamed C/laahi Oomaarna isan uu u dhashay Somaliland oo haatan nabad ah iyo xubno kale oo ka mid ah golaha wasiirrada oo ka soo jeeda gobollo ka tirsan Soomaaliya oo nabdoon. “Waxa weeye, mushkiladda waxay ka taagan tahay gobollada koonfureed gaar ahaan beelaha ay degaan beelaha Hawiye, waa muhiim ah inay iyaga heshiiyaan oo ay samaystaan dawlad ay isku raacsan yihiin oo shacabka kalsooni ka haysata oo aan ku tiirsanayn ciidamo shisheeye iyo taageerada dalal kale” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo intaasi ku daray in dawladda Sheekh Shariif markii ay tagtay Muqdisho ay sababtay barakac baahsan kaddib markii madaafiic ay ciidamada cadowga ah AMISOM ku garaaceen xaafado ay dad rayid ah deggan yihiin. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay inuu ugu baaqayo madaxweyne Shariif inuu la heshiiyo walaalihiis gaar ahaan raggii ay soo wada shaqeeyeen oo uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aways, kana haro ku kaaftoomida awoodaha shisheeye, uuna ogaado in talada dalka lala leeyahay, wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay xoogagga Mucaaradka inay xabadda ay ridayaan ku beddelaan wada hadal iyo in miiska wada xaajoodka laysugu yimaado. Xafiiska wararka xog-waran ee Muqdisho xog-waran@hotmail.com
|