Prof. Dalxa oo beeniyay warar sheegayey in kulamadoodu ka dhic doonaan meel ka baxsan dalka Somalia

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka federalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo beeniyay wararka sheegaya in fadhiga baarlamaanka uu ka dhacayo meel ka baxsan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo la sheegay inay xildhibaanada isku urursanayaan.

Prof. Dhalxa wuxuu sheegay in aysan jirin sabab uu kalfadhiga baarlamaanka ugu qabsoomo meel ka baxsan dalka Soomaaliya maadaama ay yihiin Soomaali, ayna lagama maarmaan tahay inay Soomaalida la qaybsadaan dhibaatada, wuxuuna intaasi ku daray in markii dawladda lagu soo dhisay dalka Jabuuti la go’aamiyay in labada gole ee dawladda ay u guuraan kuna shaqeeyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka federalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dhalxa wuxuu sheegay in kalfadhiga baarlamaanka lagu qaban doono magaalada Muqdisho ugu dambeyn 15-ka bisha June oo ay maalmo uun ka harsan yihiin, wuxuuna intaasi ku daray in xildhibaanada fasaxa ku maqan ee dibadaha jira lagu wargeliyay inay magaalada Muqdisho isugu yimaadaan, xildhibaankii ka dhago adayga inuu yimaadana waxaa go’aan ka qaadanaya guddiga Anshaxa ee arrimahaasi ku shaqada leh.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in fadhiga baarlamaanka lagu qabanayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay isku urursanayaan xubnaha baarlamaanka federalka Soomaaliya kaddib markii ay sababo dhinaca ammaanka ah ay suurto gel noqon waysay in fadhiga baarlamaanka lagu qabto magaalada Muqdisho.

 


Xafiiska wararka xog-waran ee Muqdisho

xog-waran@hotmail.com