Ahlu Sunna wal-jameeca oo sheegtay inay jawaab ka bixin doonto qabuure burburinta ay xoogagga Islaamiga ka wadaan Baardheere
Afhayeenka u hadlay Culimada Ahlu Sunna Wal-jameeca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan (Abuu qaadi) oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxa ay sheegeen inay jawaab cad ka bixin doonaan hawl gallada burburrinta qabuuraha oo ay xoogagga Al Shabaab ay ka wadaan degmada Baardheere taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan wax raad ah ku lahayn shareecada Islaamka.
“Waan la soconayaa falalka ay kooxaha khawaarijta ka wadaan degmada Baardheere iyo goobaha kale oo ay maamulaan, waana falal cadowtooyo oo ay u qabaan Culimada Soomaaliyeed ee door weyn ku lahaa fidinta diinta Islaamka, aad bayna u cambaaraynayaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan” ayuu yiri Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan (Abuu Qaadi) oo intaasi ku daray inay tallaabo cad ka bixin doonaan qabuuro faagidda ay wadaan kooxahaasi oo uu ku tilmaamay khawaarijta qarniga cusub.
Afhayeenka u hadlay Culimada Ahlu Sunna Wal-jameeca waxa uu sheegay in kooxahaasi ay bannaanka la yimaadeen cadowtooyada ay u qabaan mashaa’ikhda iyo culima’udiinka Soomaaliyeed, bulshada Soomaaliyeedna waxaa loo baahan yahay inay bari ka noqdaan falalka cadowtooyada ah oo ay samaynayaan iyo dilalka qorsheysan oo u gaysanayaan dadka wax galka u ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan suxufiyiinta