Labo nin oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho ku riday xukun dil ah ka dib

 

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay shaacisay inay xukun dil ah ku xukuntay labo ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho kaddib markii ay galeen dambiyo isugu jira dil iyo kufsi intii ay ku gudo jireen xabsiga dhexe, iyadoo aanay shaacin waqtiga la fulinayo xukunkaasi dilka ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Yaaqshiid ahna xubin ka tirsan Maxkamadda gobolka Banaadir Sheekh Maxamud Maxamed Xaaji Cumar oo saxaafadda la hadlay ayaa uga warbixiyay saxaafadda dambiyada ay ay raggaasi ku muteysteen in la dilo, waqgiga la fulinayo xukunkaasi iyo suurto galnimada in la fuliyo xukunkaasi maadaama maxaabiista ku jira xabsiga ay in muddo halkaasi ku sugnaayeen iyagoon la xukumin.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 08/06/2009 Maxkamadda gobolka Banaadir waxay dil toogasho ah ku xukuntay labo nin oo lagu kala magacaabo Qaasim Nuuradiin Cumar oo intaan la xirin ka hor si bareer ah u dilay Xasan Maxamed Shariif, isagoo haddana ka qayb qaatay dil gudaha xabsiga dhexdiisa loogu gaystay nin lagu magacaabo Cabdi Geesey Axmed” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Yaaqshiid ahna xubin ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir Sheekh Maxamud Maxamed Xaaji Cumar.

Guddoomiyaha isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay ninka kale ee dilka lagu xukumay lagu magacaabo Ibraahim Jiinow Guure kaasoo xabsiga dhexdiisa ku kufsaday nin kale oo uu liwaad sameeyay isagoo horay u soo guursaday, waxayna maxkamaddu ku xukuntay in marka hore lagu dhufto boqol garbaash oo tacsiir ah kaddibna la qisaaso iyado loo cuskanayo aayadaha Qur’aanka Kariimka, wuxuuna intaasi ku daray in xukunkaasi la fulin doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

 

Xafiiska wararka xog-waran ee Muqdisho

09-Juun-2009

xog-waran@hotmail.com