|

Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo mar kale ku celiyay in dagaallada lagu bedelo wada hadal
Golaha Dhaqanka & Midnimada beelaha Hawiye ayaa shir jaraaa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay uga hadleen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee qasaaraha badan iyo barakaca baahsan uu ka dhashay iyagoo ka dalbaday dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan xabadda oo ay nabadda fursad siiyaan, miiskana wada hadalkana isugu yimaadaan.
Afhayeenka golaha dhaqanka & Midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in mar kale uu Alle uga mahad celinayo deggenaansha laga dareemayo magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay kaddib toddobaadyo ay dagaallo culus dhaceen, wuxuuna dhinaca kale u mahad celiyay dhinacyadii dagaalamay oo qaatay xabbad joojin iskeed ah oo aan cidna ka shaqaynin.
Nabadoon Axmed Diiriye wuxuu sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho uu sababay dhaawac fara badan oo soo gaaray dad rayid ah kuwaasoo haatan buux dhaafiyay goobaha caafimaadka ah iyo barakaca kumanaan qoys oo iyagana hoy la’aan iyo cunnoay ku haysato daafaha magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay Hay’adaha gar-gaarka inay sii laba jibaaraan samafalkii ay horay u bixin jireen haddii ay ahaan lahayd daawo iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah nolosha bini’aadamka.
Hadalka odayaasha dhaqanka & Midnimada beelaha Hawiye ayaa imaanaysa xilli jawi deggenaansho ah laga dareemayo goobihii ay in muddo ah dagaallada ka socdeen ee magaalada Muqdisho inkastoo ay labada dhinac is hor fadhiyaan balse aanay jirin wax iska hor imaad ah oo toos ah oo dhacaya, waxayna u muuqataa in labada dhinac ay isku daaleen oo ay qaateen xabbad joojin iskeed ah.
Xafiiska wararka xog-waran ee Muqdisho
09-Juun-2009
xog-waran@hotmail.com
|