|

Barakacayaasha oo degan deegaanka kaxda oo sameeyay dibadb ax ka dhan ah dagaallada iyo duqeymaha ka dhaca deegaanadaasi
Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan deegaanka Kaxda ee duleedka degmada Dharkeynley ayaa waxay xalay halkaasi ka dhigeen dibax ay kaga cabanayeen dagaallada halkaasi ku dhex mara ciidamada dawladda federalka iyo xoogagga ka soo horjeeda iyo madaafiicda aan loo aabo yeelin oo ay deegaanadasi u gaysteen ciidamada AMISOM.
Boqollaal dadwayne ah oo u badan haween iyo caruur oo ka qayb qaadanayay dibadbaxaasi ayaa waxaa ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen “Barakac dame dooni mayno, dagaal dambe dooni mayno, maata laaye dooni mayno” iyo erayo kale, waxayna ugu baaqeen dhinacyada dagaalamaya inay dagaallada joojiyaan oo aanay sabab u noqon barakac kale oo halkaasi ka dhaca.
Haweeney ka mid ahayd dadkii dibadbaxa dhigayay oo saxaafadda la hadashay ayaa ku calaacashay inay horay uga soo barakaceen gudaha magaalada Muqdisho haatanna looga daba yimid deegaankii ay ku barakceen ee Kaxda, waxayna intaasi ku dartay inaanay garanayn meel kale oo ay hadda u barakacaan, iyadoo ugu baaqday dhinacyada korkooda ku loolamaya inay dhibaatada ka dul qaadaan.
Dibadbaxa ay sameeyaan dadwaynaha ku dhaqan deegaanka Kaxda ee duleedka degmada Dharkeynley ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay dagaallo iyo duqeymo ka dhacayeen xaafado ka mid ah degmada Dharkeynley oo ay ku jirto deegaanka Kaxda, halkaasoo ay dhowr mar madaafiic ku garaaceen ciidamada AMISOM.
Xafiiska wararka xog-waran ee Muqdisho
09-Juun-2009
xog-waran@hotmail.com
|