|

Xarakada Al-shabaab oo Xukuno ay qisaas ka mid tahay ka fuliyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay
Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ee gobollada Bay & Bakool ayaa waxay meel fagaare ah oo ku taalla gudaha magaalada Baydhabo ku fuliyeen xukun qisaas ah oo lagu fuliyay gacan ku dhiigle la sheegay inuu horay u dilay nin kale iyo xukuno tacsiir ah oo lagu fuliyay shan qofood oo ay ku jirto haweeney oo lagu soo eedeeyay inay isticmaaleen waxyaabaha maanka dooriya iyo haweeneyda oo lagu eedeeyay inay nin guursatay iyadoo aan dhamaan cadadii uu ansixi lahaa guurkeeda.
Madaxa Garsoorka Xarakada Mujaahinta Al-shabaab ee gobollada Bay & Bakool Sheekh Aadan oo markii la fuliyay xukunka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ninka dilka qisaasta ah lagu xukumay oo lagu magacaabo Xuseen Boorow uu horay si ula kac ah u dilay walaalkiisa, waxayna eheladiisa ay dalbadeen in loo qisaaso wuxuuna intaasi ku daray in C/qaadir Axmed Xuseen, Abuukar Ibraahim Aadan iyo C/qaadir Maxamed Cabdi lagu dhuftay 40 garbaash kaddib markii ay lagu soo qabtay iyagoo isticmaalaya khamro, xashiish iyo koolo.
Madaxa garoorka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee gobollada Bay & Bakool Sheekh Aadan isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in haweeney dhalinyaro ah iyadana lagu dhuftay 40 garbaash oo tacsiir kaddib markii ay guursatay nin kale iyadoo aysan dhamaan cadadii uu ku ansaxmi lahaa guurkeeda, wuxuuna intaasi ku daray in dhammaan xukunadaasi loo cuskaday Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada.
Goobta ay ka dhacaysay xukunadaasi kala duwan ayaa waxaa soo buux dhaafiyay kumanaan dad ah oo daawanaya sida loo fulinayay xukunka, waxaana ammaaka sugayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, iyadoo dadwaynaha qaarkood ay si diiran u soo dhoweeyeen xukunadaasi kala duwan ee la fuliyay.
Xafiiska wararka xog-waran ee Muqdisho
09-Juun-2009
xog-waran@hotmail.com
|