|

Waqooyiga Muqdisho oo qarka u saaran in ay la wareegaan kooxaha Dowlada ku kacsan.
Xoogaga Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa guulo ka gaarey dagaaladii ugu danbeeyey ee maalmihii la soo dhaafey iyo maantaba ka socda W/Muqdisho kadib markii ay la wareegeen goobo badan oo hore ugu sugnaayeen ciidamada dowlada.
Dagaal ayaa maanta soo gaarey Sarta Beexaani ilaa iyo agagaarka Hotel Global waxeyna kooxaha Mucaaradka la wareegeen gebi ahaan intii badneed ee xaafada Kaaraan iyaga oo sidoo kale qabsadey qaybo kamid ah xaafada C/Casiis halkasoo difaac adag kaga jiraan ciidamada dowlada iyaga oo xoogooda isugu geeyey agagaarka Saldhiga C/Casiis.
Dhanka kale kooxaha Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ciidankooda soo gaarey xaley Nasiib Buundo iyo agagaarka Maanaboolyo oo hore u joogeen ciidamada dowlada.Ciidamada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa haddii ay soo jabiyaan difaaca ciidamada dowlada ee ku sugan Agagaarka Baar Fiat ilaa iyo Xuruntii hore ee Nabadsugida ayaa waxey si fudud ku soo gaari garaan Hotel Jubba iyo weliba degmada Shangaani.
Hadii ay u suurtagasho kooxaha Mucaaradka in ay qabsadaan xaafada Shibis iyo C/casiis waxaa qasab noqonaya dowlada si ay isugu difaacdo in ay caawinaad dagaal dhinaca lugta ah weydiistaan ciidamada AMISOM oo ilaa iyo hadda dagaalka ugu qayb qaatey oo keliya dhinaca duqeynta iyaga oo Madaafiic ku garaaca goobaha ay ugu shakiyaan in ay ku suganyihiin kooxaha Mucaaradka inkastoo marar badan ay duqeyntaa ku dileen dad badan oo rayid ah oo degaanadaa ku sugnaa.
W/Muqdisho ayaa waxaa ka socda qaxii ugu darnaa ee abid soo mara waxaana qaxa sii adkeynaya xabada iyo Madaafiicda degaanadaa ku socota. Isbitaalka Keysaney ayaa qaadi kari la' dhaawacyada soo gaarey 3 maalmood ee ugu danbeysey kuwasoo kor u dhaafey 150 qafood.
Dagaalka Muqdisho ayaa waxaa ka qayb qaadanaya rag Ajaaniib ah oo weji u qaawan oo la socda kooxda Al Shabaab kuwasoo sida warar xog ah oo ina soo gaarey sheegayaan in ay hore ugu soo dagaalameen wadamada Afganistaan , Jajeeniya iyo Ciraaq, raggan ayaa waxaa ku jira rag hore u ahaan jireen saraakiil ciidan, waxaana maalintii khamiista ahayd Kaaraan lagu diley rag kamid ah ciidamadan Ajaaniibta ah kuwasoo sawiro laga qaadey.
Xog-waran. Muqdisho
|