Ciidamo Itoobiyaan oo qarax lagula beegsadey wadada Maka-Almukarama ee Muqdisho.

 

Qarax weyn ayaa saaka gilgiley wadada Maka-Almukarama qaraxasoo lala beegsadey Ciidamo Ethiopian oo goobtaa ku sugnaa gaar ahaan agagaarka Shinemo Soomaaliya oo ah halkii maalmo ka hor qarax kan la mid ah loogu geystey ciidamada Ethiopia kasoo qasaaro lixaad leh ka soo gaarey.

Qaraxaan oo ahaa miinada nuuca Ramuudka laga haga ah ayaa wararku sheegayaan in miinadu la kacdey qaar kamid askartii Itoobiyaanka ee halkaa ku sugnaa.

Qaraxaa kadib ayaa ciidamada Ethiopia  waxaa ay isku fidiyeen qeybo ka mid ah Wadada Maka Al mukarama, waxaana ciidamada ay fureen rasaas aan wax yeelo u gaysan dad rayidka ah ee goobtaa ku sugnaa.

Qaraxyada iyo weerarada lagu qaado ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa joogta ah waxeyna ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada ku qasabtey in ay aad u yareeyaan dhaqdhaqaaqyadooda.

Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho