Madaxda IGAD oo ka dalbaday QM iney dib u eegaan qaraarkii xanibayay in dalalka deriska ay ciidamadooda gudaha u galaan Somalia

 

Hogaamiyayaasha dalalka ku jira urur goboleedka IGAD oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Sirte ee dalka liibiya ayaa waxay kaga wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo dagaallada ay xoogagga Mucaaradka kula jiraan dawladda federalka Soomaaliya oo ay sheegeen inay qarka u saaran tahay inay burburto.

Hoggaamiyayaasha dalalka Sudan, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya oo ku jira urur goboleedka IGAD ayaa waxa ay ku tilmaameen Soomaaliya inay ay qarka u saaran tahay in ay qabsadaan kooxaha mayalka adag, waxayna si weyn u lafa gureen sida ay ka yeelayaan baaqa dawladda federalka Soomaaliya oo ay ku dalbatay in faragelin lagu sameeyo dalka Soomaaliya taasi oo ay ku tilmaameen inuu mid ay xaq u leedahay dawladda federalka inay taageero militari waydiisato wadamada deriska ah.

Kulankan ay yeesheen hoggaamiyayaasha urur goboleedka IGAD oo dhowr saacadood qaatay ayaa waxa ay ugu dambeyntii isku raaceen baaq loo diray golaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey kaasoo lagu dalbanayo in dib loogu noqdo qaraarkii ka xanibayey wadamada derisku in ay geli karaan Soomaaliya si ay sharciyad ugu helaan inay gudaha u galaan Soomaaliya oo ay taageeraan dawladda federalka Soomaaliya.


 

02-Juley-2009

Ku noqo bogga hore