Waxaa heerkii ugu sareeyaya gaaray Khilaafkii Mutamarkii ka furmi lahaa Magaladda Gothenberg ee dalka Sweden kadib ....


Waxaa heerkii ugu sareeyaya gaaray khilaafkii ka tagnaa Mutamarkii ka furmi lahaa Magaladda Gothenberg ee dalka Sweden, ka dib markii u magaaladdaas yimid wadadka muranka badan dhaliyay ee Sheekh Xasan Xuseen taas oo keentay in uu isaga tago imaamka Masjidka Bellevue (Sh. Yusuf Ahmed) ka dib markii gudiga shuurada ee masjidka ay isku raaceen in la baajiyo imaanshaha Sh. Xasaan Xuseen. Sida eey noo xaqiijisay Xarunta duubiska mutamaraadka ee dalka Sweden, balse ay diideen go'aankaa rag maamulka ku jira oo hore u casuumey Wadaadka kuwasoo wadaadka ku aragti ah iyaga oo qaba fikirka ah in Muslimiinta la Gaaleysiin karo, Isqarxintuna ay banaan tahay.

''Waa kuma Wadaadka Khilaafka intaa la'eg ka dhaliyay''  SheekhXasaan Xuseen Macalin Aadan ?.

Sheekh Xasan Xuseen waa nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaalida degta
(kilinka 5aad), Sh. Xasaan ayaa ka soo haajiray Gobolka uu asal ahaan ka soo jeedey ee kilinka 5aad, Waxa uu dalka Kenya yimid sagaashamaadkii halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Sh. M.Umal.

Waxa yaabaha ugu waa weyn ee lagu heeysto sheekha ayaa ka mid ah:

- In uu ka soo horjeestay dhamaan culimada soomaalida iyo kuwa dunida islaamka, Isagoo baneeyay in  ay xaaraan tahay in qof islaam ah isku qarxiyo ama Isku miidaamin karo qof kale oo islaam ah.

Sida qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Baledweye oo eey ku dhinteen in ka badan 80 qof oo muslimiin ah iyo asagoo si cad u qeexay in eey Banaan tahay daadinta dhiiga shacabka ku nool koonfurta Soomaaliya oo eey dagaalada sokeeye afeyeen in ku dhow 20 sano.

-Isagoo si cad oo aan gambad leheyn u gaaleeysiiyay, Sh. Shariif Sh. Axmed iyo
Sh.Cabdiraxmaan Janaqow
.

-Sheekh Xasan Xuseen ayaa xitaa hore u Gaalleysiiyey Soomaalidii ka qayb gashey shirkii Jabuuti isaga oo yiri:" Dad marka ay aadayeen shirka ogaa in ay ku dhaaran doonaan Tastuurka ayagoo sidaas hubana ku aaday shirka. Kuwaasi waxay gaaloobeen inta aysan ka tagin meelihii ay ku sugnaayeen hanoqoto Nairobi, Boosaaso ama Xamare".

Dhanka kale mar la weeydiiyay su'aal ku saabsan Sh. Cumar Faaruuq, waxa uu sheekhu ku tilmaamay in Sheekh  Cumar Faaruuq eeynan maskaxdiisu aysan dhameeyn sidaa darteed aan wax kama jiraan yihiin Fadwooyinkiisa iyo Talooyinkiisa.

Sida uu noogu soo waramaayo wariyaheeyna Magaladda Gothernberg waxaa magaalada Gothenburg  ka socda  qabanqaabo mudaaharaad loogaga soo horjeedo Sh. Xasan Xuseen kaasoo lagu wado in uu ka dhaco  xarunta mutamarka lagu qabanaayo sanadkan, waxaa iyana si gaar ah dambi baaris u wado Boliska dalka Sweden oo gacanta loo geliyay dacwad ka dhan ah Sh. Xasaan.

Waxaa kale oo Boliiska ogolaadeen banaan bax halkaa ka dhici doono maanta.
Waxaa kale oo jirta in xafiiskoodi (SomMedia) oo ku dhex yiilay masjidka Bellevue la jabshay taas oo sabab looga dhigya diidmadi eey diideen in ey ka qayb qaatan ama duubaan mutamarka.

Waxey dad badan oo Soomaali ah ay layaabanyihiin raggii shaley diidey in Masaajidka lacag looga aruuriyo Mujaahidiintii la dagaalameysey ciidamadii Itoobiyaanka iyo in Mujaahidiinta iyo shacabkii Itoobiyaanka dagaalka kula jirey in Misaajidka loogu duceeyo in ay  maanta taageero xoogan u muujiyaan kooxaha dagaalada iyo Isqarxinta ka wada magaalada Muqdisho  iyo qaybo kamid ka Koonfurta Soomaaliya kuwasoo Gaaleesiiya islamarkaana dhiigooda xalaaleysta qof walba oo mabda' ahaan diida aragtidooda.

Waxaa lagu wadaan in sanadkan Muctamarka Islaamka ee Gothenburg qaadacaan  gebi ahaan Soomaalida ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya gaar ahaan kuwa dega dhulka ka hooseeya magaalada Gaalkacyo kuwasoo xasuuq iyo barakicin ay ku hayaan kooxo degaanadooda ku soo duuley oo sita magac diin iyaga oo wadanka ku soo hogaamiyey rag Ajaaniib ah oo shacabka Islaamka ee Soomaaliyeed  u diidan in nabad iyo nolol helaan.

 

02-Juley-2009

Ku noqo bogga hore