|
Dagaalo ku bilowdey goos goos balse gadaal ka xoogeystey ayaa maanta Duhurnimadii dib ugu qarxey degmada Kaaraan iyo degaano ka tirsan degmada Yaaqshiid waxaana dagaalka bar bar socda Madaafiic xoogan, wuxuuna dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo Xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda. Dagaaladka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa Isgoyska Sanca, xaafada Godey, jiiro Wacbuudhan iyo agagaarka mariinada waxeyna labada dhinac ay isweydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Madfac ku dhacey Kaalin Shidaal oo ku yaala degmada Karaan ayaa waxaa ku dhaawacmey dad badan oo agagaarka Kaalinta Shidaal ku sugnaa waxaa kaloo jira dad kale oo madfac guryahooda ugu tagey kuwasoo qaarkood ku geeriyoodey, warar aan weli si dhab ah loo xaqiijin ayaa sheegaya dagaalka oo iminka socda wax ka yar saacad in ay ku dhinteen dad rayid ah oo gaaraya ilaa 5 qafood iyo dhaawac ka badan 30 qafood.
Degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo Yaaqshiid ayaa dadkii ugu danbeeyey ay guryahooda ka qaxayaan waxaana dariiqyada wadooyinka ku yaal Waqooyiga Muqdisho lagu arkayaa dad argagaxsan oo guryahooda ka qaxaya .
|