Hay'adda UNHCR oo sheegtay in 90,000 oo ruux ay ka barakaceen Muqdisho todobaadkan gudhiisa

 

Hay'adda Q/midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ku warantay warbixin ay soo saartay in labadii cisho ee ugu dambeysay ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka barokaceen illaa 90,000 (Sagaashan kun oo ruux) kuwaasoo micin biday inay qaarkood iska degaan gobo banaan oo aaney jirin cid uga horeysa.

Dadka ka barakcay magaalada labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ay ku biireen dadkii horey uga barakacay magagalada Muqdisho kuwaas oo haatan ku sugan ceelasha Biyaha Lafoole iyo Xaawa cabdi ee Gobolka Sh/hoose.

Hay'addaha Q/Midoobay ayaa ka digaya musiibooyin ku soo fool leh meelo badan oo ka tirsan wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo cusboonaadeen dagaalo hor leh kuwaas oo sababey barakac hor leh oo ku yimaada dadka rayidka ah.

Hay'adda Q/midboobay ee qaxootiga aduunka UNHCR ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujisay dadkii dhawaan ka barakacay Muqdisho kuwaas oo ay hay'addu sheegtay in dhibaatooyin waaweyn ay ku haystaan qeybo badan oo ka mid ah Gobolka sh/hoose.

Hay’addaha qaramada Midoobay ayaa horey waxaa ay  sheegeen in musiibo tii ugu xumeed ay ku soo wajahantahay gudaha dalka soomaaliya gaar ahaa Magaalada Muqdisho.

Hay’adda xaqootiga qaramada Midoobay UNHCR oo codkeeda ku biirisay Hay’addaha kale ee qarmada Midoobay ayaa haweeenay uga hadashay magaalada Genava ee dalka Switzerland waxaa ay sheegtay in Magaalada Muqdisho ay isaga carareen kumaanan kun oo ruux kuwaas oo dhamaantood ah dad rayid ah.

Waxaa ay sheegtay haweenaydaan in goobaha musiibada laga filan karo ay ka mid yihiin deegaanada ku xeeran suuqa Bakaaraha halkaasi oo madaxda Maamulka Gobolka Banadir ay sheegeen in dadka rayidka ah ay isaga baxaan iyagoo ku goodiyay in howli milatari ay ka fulinayaan.

Haweenaydaan ayaa waxaa ay sheegtay in inta badan dadka shacabka ee barkacay ay tiigsadeen Magaalada afgooye ee Gobolka sh/hoose halkaasi oo horay ula ciir ciiraysay xaqooti fara badan.

 

Xafiiska wararka xog-waran.Muqdisho