|

Maamulkii maxaakiimta Islaamka ee gobolka Sh/dhexe oo sheegay in xoog ku soo ceshan doonaan magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay
Guddoomiyihii Gobolka Sh/dhexe ee maamulkii maxaakimta Islaamka Macallin Daahir Caddow Calasoow ayaa saxaafadda u sheegay inay doonayaan inay xoog kula wraeegaan gabi ahaan gacan ku haynta Gobolkaas, oo bishii hore laga saaray qeybo ka mid ah.
Macallin Daahir ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin hareeraha degmada Mahadaay ee Gobolkaas, ayna qorsheynayaan inay la wareegaan deegaannadii horay looga qabsaday oo ay ugu horreeyaan Mahadaay iyo Jowhar.
Hadalka Mas'uulkan ayaa imaanaya iyadoo shalay uu duleedka degmada Mahadaay ka dhacay dagaal u dhexeeya Xarakada Al-shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam oo isku dhinac ah iyo ciidamadii Maxkamadaha Islaamka ee laga saaray Jowhar.
"Waxaan dhowraynaa shacabka, balse qorshaheenu waa inaan dib ula soo laabano dhamaan deegaannadii hore nalooga qabsaday" ayuu yiri Macallin Daahir Caddow, oo intaas raaciyay inay ka go'an tahay inay dagaalamaan.
Ururka Xisbul Islaam iyo Xarakada Al-shabaab ayaa laba todobaad ka hor xoog kula wareegay gacan ku haynta degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe, kaddib markii dagaallo kooban ay la galeen ciidamadii Maxkamadaha.
Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho
|