|

Itoobiya oo ka dalbatay mid ka mid ah dalalka afrika iney inay ka qayb qaadato hawlgalada nabad ilaalinta ee dalka Somalia
Safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya magaalada Abuja ee dalka Nigeira Saleiman Didifor oo hadal ka jeediyay munaasabad casho sharaf ah oo ay safaaradda Itoobiya soo qabanqaabisay laguna xusayay sanad guuradii 18aad ee ka soo wareegtay markii la riday maamulkii kali taliska ahee Mingistu Xayle Maryam ayaa waxa uu ugu baaqay dawladda Nigeria inay ku lug yeelato oo ay ka qayb qaato hawlaha nabad ilaalinta ay ciidamada Midowga Afrika ka wadaan dalka Soomaaliya.
Safiirka waxa uu sheegay in iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Nigeria iyo Itoobiya ee dhinacyada nabadgelyada iyo horumarinta aysan ahayn wax cusub, wuxuuna intaasi ku daray inay labada dal muddo dheer ay lahaayeen wada shaqayn iyo iskaashi dhinaca ammaanka, isla markaana ay si wada jir ah uga qaateen xallinta khilaafaadyada iyo dagaalo ka dhacay qaar ka mid ah dalalka ku yaalla qaaradda Afrika.
Safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya magaalada Abuja ee dalka Nigeria ayaa waxa uu sheegay in xaalada qalafsan ee ka jirta geeska Africa gaar ahaan Somalia ay keeneyso wadashaqayn firfircoon oo dhex marta dhamaan dalalka, wuxuuna intaasi ku daray inuu rajaynayo in xukuumada Nigeria ay ciidan nabad ilaalin ah u diri doonto Somalia si ay u xoojiyaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Safiirka waxa uu sheegay in waddankiisu uu weligiis ilaalin jiray nabadgelyada iyo xiriirka walaalnimo uu la leeyahay dalka deriska la ah ee Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale cambaareeyay hubka sharci darrada ah ee ku sii qulqulayo dalka Soomaaliya iyo dagaal yahanada ajaanibta ah ee dalalka caalamka uga soo dagaal tagaya gobolka Geeska kuwaasoo aan marnaba dooneyn in nabad iyo xasilooni laga helo geeska Afrika.
Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho
|