Bandow ay soo rogeen ciidamada Ahlu suna waljameecah oo xalay ka dhaqan galay degmada Guriceel

 

Waxaa xalay si rasmi ah uga dhaqan galay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud bandow ay soo rogeen saraakiisha dhaq-dhaqaaqa hubeysan ee Ahlu Sunna Wal-jameecah oo gacanta ku haya degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay dagaallo kula galeen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Bandowgaasi oo ka bilaabanayay 9:00-da fiidnimo kuna ekaa ilaa 6:00-ka subaxnimo ayaa waxaa u hoggaansamay shacabka ku dhaqan degmadaasi oo bilaabay inay ku xaroodaan guryahooda ka hor intaan la gaarin waqtiga uu bandoga bilaabanayay, waxaana kaddib degmada ka billowday roondo ay samaynayaan ciidamada ahlu suna wal-jameeca oo qaarkooda wata gaadiidka dagaalka halka kuwo kalena ay dhex lugeynayaan jidcaddayaasha xaafadaha dhexdooda.

Sarkaal ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Ahlu Sunna wal-jameeca oo saakay la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu shacabka degmada Guriceel uga mahad celiyay sida ay ugu hogaamsameen amarka bandowga, wuxuuna intaasi ku daray in bandowgaasi looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo ammaanka degmada Guriceel, inkastoo aanay jirin wax dad ah oo jebiyay amarka bandowga oo ay xalay soo qab-qabteen.

Bandowgan xalay ka dhaqan galay degmada Guriceel oo aan waqti loo qaban ayaa waxa uu ka dambeeyay kaddib markii saraakiisha Ahlu sunna Wal-jameeca ay sheegeen inay degmada qas ka wadaan kooxo horay iyaga uga tirsanaa balse ka goostay kuwaasoo doonaya inay falal ammaan darro ka gaysteen degmada Guriceel.

 

Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho

xog-waran@hotmail.com