|

Ciidamada Itoobiya oo maxaabiis Soomaali ah ka sii daayay xabsi ay ku leeyihiin magaalada Godey ee Dhulka Ismaamulka Somalida
Ciidamada Itoobiya ee ee ku sugan degmada Godey ee dhulka is maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay xabsiga ka sii daayeen ilaa 8 dhallinyaro ah oo ay ka soo qab-qabteen deegaano kala duwan oo ku yaalla dhulka is maamulka Soomaalida Itoobiya kuwaasoo in muddo ah ku jiray xabsi ku yaalla degmadaasi.
Dhallinyaradaasi ayaa waxa ay ciidamada Itoobiya soo qab-qabteen kaddib markii ay ku tuhmeen inay ka tirsan Jabhadda Xoreynta Soomaali galbeed ee dagaallada ba’an kula jirta ciidamada Itoobiya, waxaana kaddib la dhigay xabsi ku yaalla degmada Godey halkaasoo ay in muddo ka badan labo bilood ku sugnaayeen.
Sii deynta dhalinyaradaasi ayaa ka dambeysay dadaallo ay sameeyeen waxgarad iyo salaadiin Soomaaliyeed oo ku sugan degmada Godey kuwaasoo xiriir muddo soconayay la sameeyay saraakiisha ciidamada Itoobiya ee degmada Godey, ugu dambeyntiina ku guuleystay inay xabsiga ka saaraan dhallinyaradaasi oo qaarkood ay sheegeen in jirdil lagu sameeyay muddii ay ku sugnaayeen xabsiga.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dhulka is maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay caado ka dhigteen qab-qabashada dhalinyarada Soomaalida ah iyagoo ku eedeeya inay ka tirsan yihiin Jabhadda la dagaalamaysa, waxayna dhacdani ay qayb ka tahay xadgudubyada dhinaca bini’aadanimada ah oo ay ciidamada Itoobiya kula kacaan Soomaalida ku dhaqan dhulka Is maamulka Soomaalida Itoobiya.
Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho
|