|

Dagaalo maalintii labaad galay oo saaka dib uga bilowday qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho
Dagaalo xoogan ayaa saakay dib uga bilowday degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kaasoo u dhexeeya kooxda Xisbul Islaam iyo Al shabaab oo dhinac ah iyo ciidammada dowladda Somalia kaasoo dhaliyay khasaare nafeed oo isugu jirta dhaawacyo iyo dhimasho, iyadoo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga, dadka iyo gaadiidku aanay saakay ka jirin goobaha ay dagaalladu saameeyeen.
Saraakiil ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay mid lagu doonayo in looga saaro saldhigga degmada Yaaqshiid oo ay gacanta ku hayaan, iyagoo sidoo kale xusay inay qabqabteen dhallinyaro damacsanaa inay xalay weerar ku qaadaan saldhiga.
Dagaalka xoogiisa ayaa wuxuu ka socdaa inta u dhaxeysa Isgoyska Siinaay ilaa iyo Saldhiga degmada Yaaqshiid oo warar goordhow naga soo gaarey goobta dagaalka ayaa sheegaya in Saldhiga Yaaqshiid ay gacanta u gashey ciidamada dowlada inkastoo meel aan sidaa uga fogeyn saldhiga uu weli dagaal ka socdo.
"Dadka dhintay ee aan arkay waa laba qof oo mid ay haweeney tahay, shan qof oo kalena waxaa gaaray dhaawacyo kala duwan waxaana loola cararay isbitaalada magaalada" ayuu yiri ruux goobjooge ah oo ku sugan degmada Yaaqshiid
Iskahorimaadkan oo daba socda kuwii shalay ka dhacay Muqdisho, una dhexeeyay dinacyada saakay ku dagaalamaya Yaaqshiid ayaa wuxuu sababey barakac aad u baahsan waxaana xaafadaha Yaaqshiid iyo Boondheere lagu arkayaa caruur, haween iyo dad waayeelo u badan oo cararaya.
Xafiiska wararka xog-waran. Muqdisho
|