|
WARAABAHA HILIBKIISA IYO MARAQIISA OO W/Q: C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}
Cabdi Xasan Xirsi oo Muqdisho aan kula kulanay, hase ahaatee, ka yimid Tuulo laba saacadood u jirta degmada Qalaafe oo lagu magacaabo Afduub ayaa ka warbixiyey cudurada ay dadku isaga daweeyaan Waraabaha, wuxuuna yiri, “Waxaa Waraabaha ku dawoobay, dad badan, oo qabay, cuduro ay ka mid yihiin, Qalaliyaha, Dabeysha, Dhiig karka, Kaadi Sokorowga, Tabaryarida Ragga, Dumarka dhali waaya, Kelya xanuunka, Dhabar xanuunka, Neefta, Qarasta, Araga daciifa, Jabtada iyo Laleemada”.
Wuxuu kaloo sheegay Cabdi Xasan Xirsi in marka la keeno Kawaanka uu qofba inta ay tabartiisa tahay uu gato, isagoo intaa ku daray in lakala iibsado Jeeniga Waraabaha 500,000 Sh.so. (Shan boqol oo kun) cadkiisa ugu yarna waxaa la kala siistaa 40-kun Sh.So, wuxuuna sheegay in dad badan ay ku caafimaadeen maraqiisa markii ay cabeen, inkastoo aan la hubin, “Nin saddex dumar ah qabay, oo ka fariistay, Dhurwaaga maraqiisa markuu cabay, ninbuu noqday” ayuu yiri Cabdi Xasan isagoo sheegay in dadka Dabeysha qaba, marka haraga Waraabaha loo jaxaaso oo lugta loogu xiro ay ku fiicnaadaan, sidoo kale “Qofkii ay qaras ka bixi weyso isaga ayuu gataa, wuuna ku boqsadaa, marka uu maalmo maraqiisa cabo” ayuu yiri Cabdi. Mar aan weydiiney Cabdi sida ay ku ogaadeen in Waraabaha hilibkiisa iyo maraqiisa la isku daweeyo wuxuu yiri, “Waraabaha inuu daawo yahay anagu kama war hayn, Boosaaso ayey nooga timid oo laga ogaaday” wuxuuna intaasi ku daray in ugu badnaana 7-casho hadduu qofku joogteeyo cunistiisa iyo cabidda maraqiisa uu ku bogsoonayo cudur kastaba ha hayee, “Waa la karinayaa, maraqiisa ayaa la cabbayaa, mar hadduu qofku shubmana caafimaad buu helayaa, 7-maalmood baana ugu badan inta la isticmaalayo” ayuu yiri Cabdi.
Wuxuuna tilmaamay in rag jaad cuna oo qabsimadu xirmeen, qaarkoodna ay kaadidu ka imaan weysay, markii ay cabeen maraqa waraabaha iney u furmeen, waxaase sidoo kale arrintani ka digaya dadka ku takhasusay arrimaha deegaanka ayaa sheegay haddii Waraabaha la dabarjaro ay imaan karto inuu nabaad guuro, oo ay soo baxaan xayawaanaad kale oo Waraabaha dadka ka hortaagnaa ayna dhici karto iney khatar keenaan. W/Q: C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir} Email: taysiir55@hotmail.com
|